
Laakiin United ayaa meesha ka saartay iibka Pogba iyada oo waxyar uun ka hor dib ugala soo wareegtay Juventus marka laga yimaado xiisadda muuqata ee u dhexeysa Mourinho.
Waxaa la fahansan yahay wixii intaa ka dambeeyey Pogba uu wadahdalo la yeeshay Mourinho oo ku saabsan xaaladdiisa iyaga oo gaadhay heshiis iyada oo mustaqbalkiisa laga wada hadli doono xagaaga dambe.
Sidan oo kale Sir Alex Fergsuon ayaa kulan ula yeeshay Cristiano Ronaldo 2008dii, ugu dambeyn u ogolaaday in uu Real Madrid sanadkii xigay ku biiro.
Real Madrid waxa ay Ronaldo ku iibsatay waqtigaas aduun dhan £80million.