
“Ma aheyn inaan sameeyo wixii aan sameeyay, marna ma aysan aheyn inaan sameeyo” ayuu Mourinho u sheegay Tv-ga Fox Sports.
“Qofkii meeshaas wax ku qasay aniga ayuu ahaa” ayuu hadalkiisa raaciyay.
Intii ay socotay ciyaar aheyd Super Copa xilli ciyaareedkii hore, Mourinho ayaa isha farta ka geliyay Vilanova oo markaas ahaa caawiyaha Pep Guardiola.
Vilanova ayaa isna kaga jawaabay inuu kala tuuray Mourinho, inkastoo labadoodaba ganaax ay kala kulmeen xiriirka kubada cagta Spain, hadana bishii hore ayaa laga wada cafiyay dhamaan intii ganaaxa laheyd oo dhan.
Labada tababare ayaa kursiga keydka soo fariisan doona lugta hore ee koobka lagu furo xilli ciyaareedka iyadoo lugta hore ay ka dhici doonto garoonka Camp Nou 23ka bishaan, halka lugta labaad ay ka dhici doonto Santiago Bernabeu 29ka bishaan.