
Los Blancos waxa ay 2-0 ku badisey garoonka Vallecas iyadoo ay goolashana u dhaliyeen Benzema iyo Ronaldo.
“Kooxdu waxa ay ahayd koox, xitaa si ka sii wanaagsan ayaan u ciyaari karnay,”ayuu ku bilaabay shirka jaraa’id ee la qabtay kulanka kadib tababaraha reer Protuqiis.
“Haddii aan u ciyaari lahayn qaabkii Getage ama Sevilla ma guuleysan lahayn, balse kulankan wuxuu ahaa mid adag. Kooxdana si wanaagsan ayay u ciyaartay.
“Dhaliisheyda mar walba waxay ahayd siday u ciyaarayaan kooxda balse maanta waan jecleystey kooxda.”ayuu sii raaciyey Mourinho.
Kulankan oo hore loo qorsheeyey in la ciyaaro Axadii ayaa dib loo dhigey kadib markii garoonka koronto la’aan ay qabatay iyadoo si kas ah loo jaray korontada balse la cillad bixin waayay waxaana loo baahday waqti lagu hagaajiyo dabka.
“Waxaa naloo sheegay saddexdii galabnimo inaan ciyaarayno taasina waxay ahayd mid adag.Xalayna waxaan garoonka ka soo baxnay annagoo aan garanayn xilliga aan dheeleyno balse kooxdii naga soo horjeeday xitaa taas isku mid ayaan ka ahayn.”
“Sanadkii hore inta badan goolasha waan ku fiicnayn balse hadda si wanaagsan halkaa ugama ciyaarayno.
“Waan ka sii wanaagsanaan karnaa intan, balse lama gaarin waqtigii laga walwali lahaa gool dhalinta. Waxaan dhalinay goolal nagu filan inaan guuleysano ciyaartana waan maamulaynay Rayo waxay heleen fursado aan badnayn.”