
49 jirkaan ayaa ka tagay Chelsea September 2007 ka dib markii ay isku dhaceen milkiilaha Blues Roman Abramovich, laakiin waxaa muddo dheer lala xiriirinayay inuu England ku laabanayo marka uu soo gabagabeeyo waqtigiisa Los Blancos.
“Marka aan hadlo, saxaafada Spain waxa ay durbadiiba bedelaan hadaladeyda, lakiin ma beenin karo waxa maskaxdeyda ku jira ee iska cad” ayuu u sheegay Sky Sports.
“Real Madrid ka dib waxaan u socdaa England. Taas waa hubaal, lakiin sidaas ayaan mar walba dhahaa, si cad ayaan u ogahay inay tahay meesha aan doonayo inaan tago.”
Tababarihii hore ee Porto iyo Inter ayaa sidoo kale cadeeyay inuu u furan yahay inuu macalin u noqod koox kasta oo kooxaha sarre ee England ka mid ah, inkastoo xiriir fiican uu la leeyahay Stamford Bridge.
“Qof walba doorasho ayuu leeyahay. Waxaan ahay Blues, waxaan ahay London Blue, lakiin sidoo kalena waxaan ahay nin xirfadle ah.”