
Spain ayaa gool looga hormaray iska soo guday kulankii Italy ee furitaanka Group C, lakiin waxaa lagu eedeeyay inaysan ku soo shirtagin weeraryahan rasmi ah, iyadoo garoonka la soo galay lix ciyaaryahan oo khadka dhexe ah.
Kalsoonidii lagu qabay in Spain ay noqon doonto xulkii ugu horeeyay ee seddex koob oo waa weyn oo isku xiga qaada ayaa shaki la geliyay wixii ka danbeeyay ciyaartaas, lakiin Mourinho ayaa weli aaminsan inay dhici karto.
“Spain ayaa ah horyaalka adduunka taas shaki kuma jiro” ayuu Mourinho u sheegay suxufiyiinta isagoo ku sugan Singapore. “Waxa ay ka mid yihiin xulalka ugu fiican tartanka Euro, sidaasi darted caadiyan hadii wax walba si saxan ay u dhacaan Spain waxa ay leedahay awooda ay koobka ku qaadi karto, lakiin waxa ay tartan kala kulmi doonaan Germany”.
Tababaraha reer Portugal ayaase kalsooni weyn u muujinin dalkiisa, kuwasoo ka soo kabsaday guuldaradii Jarmalka ka dib markii ay habeenkii arbacada ka badiyeen Denmark.
Si kastaba, koobka aan la saadaalin Karin ee Euro 2012 ayaa siisay rajo ah in Portugal ay si la yaab leh ugu guuleysan karto koobkaan markii ugu horeysay.
“Haatan kuma xirna xulka kale, waxa ay ku xiran tahay natiijada ay la yimaadaan, sidaasi darted hadii ay shaqeystaan kulanka Netherlands, Portugal waxa ay imaaneysa wareega 8da” ayuu yiri Mourinho.
“Ma qabo in Portugal ay tahay xulka ama labada xul ama seddexda xul ee ugu fiican tartanka, lakiin tartamada gaaban ee 90ka daqiiqo iyo waqtiga dheeriga ah lagu kala baxo, islamarkaana Portugal ay gaarto wareega 8da wax walba ayaa dhici kara”.