
Special One ayaa dareensan in ninka ay isku wadanka yihiin inuu u qalmay abaalmarintaas in ka badan ciyaaryahanka reer Spain, islamarkaana inuu fahamsan yahay sida uusan Ronaldo ugu qanacsaneyn codeyntii xagaagii la qaaday.
“Ma aqaano sababta rasmiga ah ee ka danbeysa farxad la’aanta Cristiano Ronaldo. Waxa kaliya aan dhihi karo ayaa ah inuu yahay ciyaaryahan weyn, kaasoo xilli ciyaareed fantastik ah uu soo maray” ayuu Mourinho u sheegay CNN.
“Iniesta isaga xitaa waa ciyaaryahan weyn. Taas muran kama taagna. Si kastaba, ma uusan heysan xilli ciyaareed weyn hadii daacad loo hadlo.
“Waa uu ku fiicnaa koobkii Euro 2012. Waxa uu ku guuleystay Euro 2012, laakiin waa inaanan ilaawin in koobkaas uu socday kaliya seddex isbuuc.
“Sidaasi darteed waxaan qabaa in Cristiano uu ku saxan yahay inuu ka xumaado go’aanka Uefa.”
27 jirkaan ayaa isbuucyadii u danbeysay ay u saarneyd isagoo seddexleey ka dhaliyay Deportivo La Coruna iyo Ajax.