
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay iyadoo Spurs uu ka maqan yahay xiddigooda Gareth Bale, kaasoo lagu waday inuu ciyaaro balse daqiiqado ka hor fasax ka helay tababarihiisa Villas-Boas madaama xaaskiisa ay foolaneysay.
Chelsea ayaa iyadana ku bilaabatay iyadoo uu ka maqan yahay kabtankooda John Terry kaasoo ay u bilaabatay ganaax afar kulan ah.
Ciyaarta ayaa aheyd mid jawi kacsan durabadiiba la soo baxday, waxaana bilowgiiba fursad fiican ay soo martay Gallas kaasoo ka qasaariyay kooxda Tottenham, laakiin Chelsea ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 17aad.
Kooner uu soo tuuray Eden Hazard ayaa waxaa madax ku bixiyay Gallas, laakiin kubada inta aysan dhulka dhicin waxaa sideeda kula qabtay oo shabaqa cusjiyay Gary Cahill.
Tottenham ayaana durbadiiba isku dayday inay ciyaarta barbareeyeen, iyadoo Jermaine Defoe uu kubad joog hoose ku tuuray Cech kaasoo banaanka kubada soo dhigay balse daafaca Chelsea ay debeda u saareen.
Spurs ayaana fursado kale heshay balse waa ay u suurogeli weysay inay shabaqa ka soo taabtaan goolhaye Peter Cech halka Chelsea ay iyadana isku dayaysay inay hogaanka dheereystaan.
Laakiin qeybtii hore ayaa ku dhamaaday gool iyo waxba oo ay hogaanka ku heysay kooxda Chelsea.
Qeybtii labaad intii aysan daqiiqadba socon ayaa kooxda Spurs ay heshay goolkii barbaraha ka dib markii William Gallas kubad uu si fudud uu madax ugu taabtay uu ku hubsaday shabaqa kooxdiisii hore ee Blues.
Goolka Gallas ayaa ka dhignaa in 10kii gool ee ugu danbeysay ee laga dhaliyo Premier League in 8 ka mid ah ay dhaliyeen daafacyo.
Tottenham ayaana islamarkiiba cadaadiska halkeeda ka sii waday waxaana fursado badbaadiyay Peter Cech, laakiin fursadii seddexaad ayuu Cech u babac dhigi waayay, waxaana ay Spurs qabatay hogaanka ciyaarta.
Ciyaaryahan Lennon ayaa kubad joog hoose oo uu ka soo tuuray albaabka hore ee diilinta ganaaxa waxaa lugta la helay Jermaine Defoe kaasoo isla markiiba shabaqa cusjiyay.
Laakiin cadaadiskii saarnaa kooxda heysata horyaalka Yurub ayaa waxaa ka qaaday Juan Mata kaasoo u barbareeyay daqiiqadii 66aad markii kubad uu soo bixiyay William Gallas uu ku helay diilinta ganaaxa dhexdeeda islamarkaana uu dabamariyay goolhaye Friedel.
Chelsea ayaana ciyaarta dib ugu soo laabatay iyagoo bilaabay weeraro isdaba joog ah Fernando Torres ayaana kubad kale oo qatar ah helay oo uu hogaanka ugu dhiibi karay mar kale kooxdiisa, laakiin waa uu awoodi waayay.
Juan Mata ayaana seddex daqiiqo ka dib niyada ka dilay tababarihiisii hore AVB markii baas uu ka helay xiddiga reer Belgium Hazard uu shabaqa ku hubsaday, waana labo gool uu ku dhaliyay seddex daqiiqo gudaheed islamarkaana uu mar kale hogaanka ugu dhiibay Blues.
Mata ayaa ku dhawaaday inuu seddexleey dhaliyo daqiiqado ka dib lakiin Friedel ayaa ka badbaadiyay.
Fernando Torres ayaa isna ciyaarta oo shan daqiiqo dhiman helay fursad kale, laakiin waxa uu agta ka mariyay birta goolka.
Waxaana ciyaarta hurdo u diray daqiiqadii 90aad Daniel Sturridge oo shabaq aku hubsaday goolka afaraad iyadoo caawiye uu ka ahaa Juan Mata.
Goolasha Mata iyo goolkii ugu danbeeyay ee Sturridge ayaana Chelsea u sahlay inay seddex dhibcood oo muhim ah ku qaataan garoonka White Hart Lane.
Waa kulankii ugu horeysay ee London Derby ee Spurs looga badiyo garoonkooda ciyaaraha horyaalka tan iyo September 2007dii.
Chelsea ayaana sii dheereysatay hogaanka horyaalka Premier League waxaana ay leeyihiin 22 dhibcood. Kulanka soo socda ee Chelsea waxa ay horyaalka la ciyaari doontaa 28ka bishaan kooxda Manchester United.