
32-jirkan ayaa ogolaaday in uu la sii joogo kooxda QPR illaa iyo xaggaaga 2016,waxana uu Cesar u soo saftay xulka dalkiisa 64 ciyaar.
Goolhaye Cesar ayaa u sheegay shabakada warbaahinta ee QPR inuu aad ugu faraxsan yahay in uu ku soobiiro kooxda loftus Road.
Guddoomiyaha kooxda QPR Tony Fernandes ayaa rumeysan in la soo wareegida Cesar ay ka caawin karto kooxda uu macalinka u yahay Mark Hughes inay ka sare marto heerka ay haatan ugaga jirto horyaalka Premier League.
Kooxda ayaa kulankii ugu horeeyey ee horyaalka hadda bilowday waxaa 5-0 ugaga badisey kooxda Swansea oo ku soo booqatay garoonkeeda.
Kooxda QPR aya dhowaan waxa ay keensatay goolhaye cusub waxana uu tababaraha kooxda ku tilmaamay ku soo biirida Cesar inay tahay mid xoojineyso dhinaca goolhayaasha kooxda.
Warkan ah in uu Cesar ku biirey QPR ayaa waxaa si aad ah ula yaabay dadka Brazil u dhashay iyagoo aaminsanaa in Cesar uu yahay mid kamid ah goolhayaasha ugu wanaagsan ee soo mara dalka Brazil.