
Hughes ayaa Park kula soo wareegay lacag aan si rasmi ah loo cayimin, waxaana uu qalinka ku duugay heshiis labo sanno ah.
Hughes ayaan haatan laheyd kabtan ka dib markii kabtanimada laga qaaday Joey Barton kaasoo anshaxa xumo ku kacay kulankii ugu danbeeyay horyaalka ee xilli ciyaareedkii hore, taasoo uu ku muteystay ganaax 12 kulan ah iyo mushaharka lix isbuuc.
“Ji ayaa niyadeyda soo galaya marka ay timaado kabtanka cusub ee kooxda” ayuu yiri Hughes.
“Waan inaan arkaa qofka banaanka isa soo dhigi doona una qalma. Waan hubaa in dadka ay doonayaan inay mas’uuliyadaan qaadaan lakiin waa inay I tusaan inay ku haboon yihiin, Ji qeyb ayuuna ka yahay”.
“Lakiin sidoo kale waxaan heysanaa rag kale oo qibrad leh. Djibril Cisse waa ciyaaryahan ku guuleystay Champions League sidaasi darted qolka labiska waxaan ku heysanaa ciyaaryahano waaa weyn”.