
Ilaa iyo inta uu suuqa kala iibsiga furan yahay, laacib.net maalin kasta ayay barnaamijkaan idiin soo gudbin doontaa.
Wararka ku saabsan suuqa kala iibsiga waxaa xuquuqdooda iska leh wargeysyada ku qoran, laacib.net kaliya waxa ay soo uruurisaa xanta ay wargeysyadan ka qoraan suuqa kala iibsiga.
INGARIISKA:
Chelsea ayaa ku dhow saxiix kale oo muhim ah ka dib markii ay 25 milyan euro ku dalbadeen ciyaaryahanka reer Brazil Oscar, kaasoo sidoo kale diirada u saran kooxda Tottenham sida ay qortay Daily Telegraph.
Manchester City ayaa rajeyneysa inay soo xerogeliso Robin Van Persie, iyadoo Emmanuel Adebayor 5 milyan ginni uga iibineysa kooxda Tottenham sida ay qortay The Sun.
Tottenham ayaase doonaya inay Adebayor ka dhigan ciyaaryahanka ugu mushaharka badan taariikhda kooxda marka ay la soo wareegaan. Sida ay qortay Daily Mail.
Manchester United ayaa ku dhow inay 16 milyan ginni ku soo xerogeliso xiddiga England iyo Everyon Leighton Baines. Sida ay qortay Daily Star.
Real Madrid ayaa diyaar u ah inay Ricardo Carvalho u soo bandhigto Tottenham si ay ugu sahlanaato inay la wareegaan Luka Modric. Sida ay qortay The Sun.
Manchester United ayaa sarre ku qaadeysa dalabka 30ka milyan ginni ee ay ku doonayaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Sao Paulo Lucas Moura, inkastoo tartan adag uu kala dhaxeeyo Inter Milan. Sidaasi waxaa qortay Daily Mail.
Arsenal iyo Chelsea ayaa diyaar u ah inay ku dagalamaan saxiixa Steven Nzonzi kaasoo ku guuldareystay inuu ku biro kooxda Blackburn Rovers sida ay qortay The Sun.
Tababaraha kooxda Tottenham Andre Villas-Boas ayaa tartan waji ka waji ah la geli doona kooxdiisii hore ee Chelsea oo ku aadan ciyaaryahanka lagu qiimeeyo 20ka milyan ginni ee kooxda Borussia Dortmund Robert Lewandowski. Sida ay qortay Dialy Mail.
Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa ku darsaday liiska ciyaartoyda uu doonayo Joe Allen. Sida ay qortay goal.com
Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa baadigoob ugu jira daafaca bidix ee dalka Masar Milo. Sida ay qortay The Sun.
Arsenal ayaa ayaa tababar tijaabo ah siineysa weeraryahanka kooxda Faransiiska Caen M’baye Niang oo 17 jir ah. Tottenham iyo Liverpool ayaa sidoo kale da’ yarkaas xiiseynaya. Sida ay qortay Daily Mail.
AC Milan ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro saxiixa ciyaaryahanka aan saldhigan kooxda Manchester City Aleksandar Kolarov. Sida ay qortay talkSPORT.
Arsenal ayaa tartan kala kulmeysa kooxda Barcelona marka timaado saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Toulouse Etienne Capoue. Sida ay qortay talkSPORT.
Tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers ayaa diyaar u ah inuu ku dalbado 7.5 milyan ginni xiddiga Mareykanka ee kooxda Fulham Clint Dempsey. Sida ay qortay Daily Mirror.
Andy Carroll ayaa u dagaalamaya mustaqbalkiisa Liverpool, iyadoo tababaraha cusub ee Reds uu ku dhow inuu soo xerogeliyo weeraryahanka Roma Fabio Borini. Sida ay qortay Daily Mirror.
Edin Dzeko ayaa laga yaabaa inuu ka tago Manchester City oo uu ku biiro AC Milan, lacag lagu sheegay 20 milyan ginni sida ay qortay Daily Mirror.
Daniel Agger ayaa ah ciyaaryahankii ugu danbeeyay ee ka ciyaara Premier League ee raadaarka u soo kora kooxda Real Madrid sida ay qortay Daily Mirror.
ITALY:
Milkiilaha kooxda Inter Massimo Moratti ayaa qirtay in kooxdiisa ay dadaal weyn ugu jirto sidii ay u soo xerogelin laheyd ciyaaryahanka reer Brazil ee kooxda Sao Paulo Lucas Moura. Sida ay qortay Gazzetta dello Sport.
Madaxweyne ku xigeenka AC Milan Adriano Galliani ayaa war la yaab leh ku sii daayay suuqa kala iibsiga isagoo sheegay inay dhici karaan wax walba islamarkaana ay adag tahay in la ceshto xiddigaha mar wax laga weydiiyay Ibrahimovic iyo Thiago Silva. Sida ay qortay Tuttosport.
Xiddiga kooxda Pecara Veratti ayaa heshiiskii uu ugu biiri lahaa kooxda PSG waxa uu noqday mid hakad uu ku yimid, taasoo albaabka u fureysa mar kale kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ee Juventus. Sida ay qortay Gazzetta dello Sport.
AC Milan ayaa weli maanka ku heysa inay xiddig magac weyn leh keento San Siro xagaagan, waxaana ay kala dooranayaan Carlos Tevez oo ay u dhawaayeen xilli ciyaareedkii hore iyo ciyaaryahankoodii hore Ricardo Kaka oo aan boos joogta ah ka heysan Real Madrid. Sida ay qortay Corriere dello Sport.
Juventus ayaa qaadeysa talaabadii ugu danbeysay ee ay isagu dayayso inay Arsenal ka dhaadhiciso heshiiska kabtankooda Robin van Persie. Sida ay qortay Corriere dello Sport.
Weeraryahanka kooxda Fiorentina Jovetic ayaa ku sii dhawaanaya kooxda Juventus, iyadoo Fiorentina ay ciyaaryahankeeda duldhigtay 30 malyuun oo euro sida ay qortay Tuttosport.
SPAIN:
Kooxda Real Madrid ayaa awoodeeda isagu geyneysa sidii ay u soo xerogelin lahaayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Tottenham Luka Modric, waxaana ay sheegeen in qorshaha uusan ugu jirin inay soo xerogeliyaan Javi Martinez ama David Silva. Sida ay qortay Marca.
Ciyaaryahanka kooxda Real Madrid Hamit Altintop ayaa loo badinayaa inuu u dhaqaaqo dalkiisa Turkiga, isagoo go’aansaday inuu ka hayaamo gegida Santiago Bernabeu, waxaana lagu wadaa inuu isbuucaan u saxiixo Fenerbahce. Sida ay qortay AS.
Kooxda West Ham ayaa sameyn doonta dadaalkeedii ugu danbeeyay ee ay isagu dayayso inay soo xerogeliso ciyaaryahanka da’da yar ee Los Blancos Joselu. Sida ay qortay Marca.
Kooxda Barcelona oo qorsheyneysay inaysan waxna iska iibin xagaagan ayaa qorshahooda doonaya inay bedelaan waxaana laga yaabaa inay suuqa soo saaraan Ibrahim Afellay iyo Adriano si ay qarash fiican ugu helaan ciyaaryahan khad dhexe oo lagu bedelo Kieta waxaana diirada u saran Javi Martinez. Sida ay qortay Marca.
Ciyaaryahanka kooxda Atletico Madrid Radamel Falcoa ooh ore ugu soo ciyaaray Fc Porto ayaa sheegay in kooxdiisii hore ee Porto ay diyaar u tahay inay ciyaartoy ka iibiso kooxaha kale oo dhan marka laga reebo Chelsea. Sida ay qortay AS.