
Agaasimaha Isboortiga Roma Walter Sabatini ayaa qirtay in Liverpool ay dalab rasmi ah u soo bandhigtay oo ku aadan ciyaaryahanka reer Italy Fabio Borini.
Warar soo baxayay 24kii saacadood ee u danbeysay ayaa qeexayay in kooxda Anfield ka dhisan ay ku dhow dahay ciyaaryahanka, waxaana haatan taas xaqiijiyay Sabatini.
“Xiiso rasmi ah ayay Liverpool u heysaa Borini” ayuu Sabatini maanta u sheegay saxaafada.
“Waxaan xaalada la qiimeyn doonaa agaasimaha guud Franco Baldini iyo kooxda, sida ugu macquulsan ayaan arintaan u wajihi doonaa”.
Roma ayaa lahaanshaha ciyaaryahanka heshay bishii hore, waxaana uu wadar ahaan ugu fadhiyaa 9 milyan euro, halka Liverpool lagu soo waramayo inay ku dooneyso 10 milyan euro.
Wararka ayaa soo jeedinaya in Roma laga yaabo inay iska iibiso Borini oo ay lacagtaas u isticmaasho inay ku soo xerogeliso weeraryahanka Siena Mattia Destro.