
Xulka Laurent Blanc ayaa labo gooldhaliyay seddex daqiiqo gudaheed qeybtii labaad ee ciyaarta, waxaana ay goolashaas uga mahadcelinayaan Jeremy Menez iyo Yohan Cabaye, iyadoo ciyaartaan ay hakad ku jirtay muddo 55 daqiiqo ah.
Ciyaartoyda ayaa garoonka laga saaray ka dib shan daqiiqo markii ay ciyaarta socotay markaasoo onkod, hilaac iyo roob xoogan uu qabsaday garoonka, lakiin mar ciyaarta dib loo bilaabay xaalada garoonka waxa ay aheyd mid wanaagsan, waxaana goolhayaha Ukraine Andriy Pyatov uu ahaa qaabkiisii ugu fiicnaa isagoo badbaadiyay fursado badan oo isku xiga oo ay France heshay.
Lakiin waxaa daqiiqadii 53aad laga dhaliyay goolka koowaad markii Karim Benzema uu kubad u dhiibay Menez kaasoo isna shabaqa ku hubsaday, isla Benzema ayaana goolkii labaad ka soo shaqeeyay oo uu dhaliyay Yohan Cabaye kaasoo ay u aheyd goolkiisii ugu horeeyay ee France.
Cabaye ayaa sidoo kale kubad birta ku dhuftay, iyadoo xulka France oo kubada si iican isagu dhiidhiibayay ay aamusiyeen taageerayaashi martida loo ahaa, waxaana guushaaan ay ka dhigeysaa inay Group C ku hayaan 4 dhibcood, waxaana ay hal dhibic ka sareeyaan Ukraine kuwasoo kulankoodii ugu horeeyay 2-1 kaga badiyay Sweden.
England oo barbaro 1-1 ah la gashay France kulankeedii ugu horeeyay ee Group-ka ayaa haatan la ciyaareysa xulka Sweden.