
Kabtanka Gunners ayaa ka qeyb qaadashadiisa safarka ay Arsenal ku tageyso Malaysia, China iyo Hong Kong waxa uu ahaa mid aan la hubin madaama Holland ay ka qeyb qaadaneysay Euro 2012.
Lakiin markii si la yaab leh ay Holland kaga hartay tartanka wareegiisa group-yada, waxa ay la micno noqotay in Van Persie uu ku biiri karo kooxda inteeda kale inta aysan bilaabin socdaalkeeda xagaaga.
Ciyaartoyda Arsenal – marka laga reebo kuwa weli ka qeybgalaya Euro 2012 ayaa ka qeybgeli doona tababarka ay isagu diyaarinayaan fasaxa ay Arsenal ku mareyso Asia isbuuca ugu horeeya bisha July.
Van Persie ayaa fasax ku maqnaan doona seddexda isbuuc ee soo socota, waxaana uu ku laaban doonaa garoonka tababarka London Colney isbuuca labaad ee July markaasoo Arsenal ay u socdaaleyso Asia.
Kulanka ugu horeeya ee booqashada ay Arsenal ku mareyso Asia waxa ay 24ta July la ciyaari doonaan xulka Malaysia.
Inkastoo Arsene Wenger uu ku adkeystay talaadadii in xiddigiisa uusan ka tageynin Emirates, hadana mustaqbalka Van Persie ayaa ah mid aan la hubin.
Ma jiraan wadahalo cusub oo fool ka fool ah oo la qorsheeyay oo la xiriira qandaraska Van Persie, inkastoo wadahadalada u dhaxeeya kooxda iyo wakiiladiisa ay u socon doonaan si qarsoodi ah.
Van Persie ayaa haatan diidan inuu saxiixo heshiis cusub oo seddex sanno ah oo uu isbuucii ku qaadanayo 130 kun ginni oo ay la socoto 5 milyan ginni oo abaalmarin ahaan loogu siinayo inuu ogolaaday heshiiskan.