
Xiddiga reer Argentina ayaa si aad ah loogu texgeliyaa xiddiga ugu fiican adduunka, waxaana uu xiddig ka yahay kubada soo jiidashada leh ee Tiki-Taka ee ay ciyaarto Barcelona.
Sidaasi oo ay tahay kooxda Catalan waxa ay kaalin labaad ku dhameysatay La Liga xilli ciyaareedkii hore oo ay ka qaaday Real Madrid, halka sidoo kale ay si lama filaan ah kaga hareen Champions League iyagoo ku baxay gacmaha Chelsea.
Qaab Ciyaareedka kooxaha Jose Mourinho iyo Blues ayaa waqtiyadii la soo dhaafay lagu eedeynayay inay ciyaaraan kubad ku dhisan difaac.
Isagoo taas maanka ku haya ayaa Messi uu u sheegay majalada Times: “Kubada waa ciyaar. Waxaan isku dayaa inaan ku baashaalo garoonka dhexdiisa, mar walba waxa ay iga tahay inaan ciyaaro”.
“Waana sababta aan sidaas u sameeyo. Maalinta aan joojiyo inaan kubada ku baashaalo waa maalinta aan ka fariisanayo ciyaaraha…. ma doonayo inaan iska dhumiyo hamigaas iyo jaceylkaas aan kubada u qabo”.
“Maanta kooxaha waxa ay u ciyaarayaan natiijo darteed halkii ay ka soo saari lahaayeen kubad fiican oo soo jiidasho leh”.
“Iyaga, waxaa aad ugu muhimsan inay guul gaaraan halkii ay si fiican u ciyaari lahaayeen. Waxaan u baahanahay ciyaartoy jaceyl u qabta kubada inay soo baxaan si kubada cagta loo badbaadiyo”.