
37 jirkaan ayaa inta badan la isku waafaqay qandaraas u kordhintiisa isbuucii la soo dhaafay, laakiin kooxda ka dhisan Rio de Janeiro ayaa keliya la saxiixatay galabnimadii isniinta.
Heshiiska cusub ee Juninho ayaa la mid ahaa heshiiskiisii hore waxaana ciyaaryahankii hore Olympique Lyon uu mushaarkiisu ku tiirsanaan doonaan kulamada uu u ciyaaro kooxda.
Waxaana sidoo kale macquul ah inuu Lix bilood qandaraaska ugu kordhiyo kooxda Vasco bisha December hadii uu caafimaadkiisu taam noqdo.
“Nasiib ayaan u lahaa kusoo laabashadeyda kooxda taasna kor ayey ii qaadeysaa waana inaan mar kale isku dayo inaan ku guuleyso koobab,” ayuu Juninho u sheegay Suxufiyiinta.
“Waxaan halkaan u dareemayaa sida gurigeyga kor ayaan usoo qaadayaa kooxdaan waxaana rajo ka qabnaa inaan ku geeleysano Brasileirao. Waxaan leenahay ciyaaro badan oo soo bixitaan ah sidaas darteed waa inaan dulqaad sameynaa.”
Juninho ayaa lasoo saxiixday Vasco 2011 ka dib markii uu lasoo joogay kooxda reer Qadar ee Al-Gharafa wuxuuna ku soo laabtay Sao Januario ka dib markii uu la joogay intii u dhexeysay 1995 ilaa 2001.