Natiijadaasi waxey ka dhigeysaa kooxda aan wali laga adkaan ee reer Turin in ay horyaalka hogaankiisa 4 dhibcood ku qabato. waana horyaalkii ugu horeyay ee ay Juve hesho tan iyo markii ay dib ugu soo laabatay horyaalka heerka 1aad markii ay galaafatay fadeexadii Calciopoli ee dalkaasi.
Kooxda Bianconeri waxaa laga xayuubiyay labadii horyaal ee ay kala qaaday 2004-05 iyo 2005-06 isla markaana waxaa loo diray horyaalka heerka 2aad ee Serie B. laakiin hadda waxey dooneysaa in ay dib u soo celiso labadi horyaal ee laga qaaday isla markaana ay xiddigta 3aad ee dahabka ah ku toloto funaanadeeda.
Lazio ayaa soo nooleysay rajadeedii kaga qeybgalka Champions League markii ay 2-0 kaga badisay Atalanta. Guushaasina kooxda booska 4aad ee Lazio waxey 2 dhibcood ka hoos marineysaa kooxda kaalinta 3aad ee Udinese iyadoo hal kulan uu horyaalka ka harsanyahay.
by_mhammed osman