
Tababaraha ayaa lagu eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu maamulka isboortiga ogeysiiyo isku day lagu doonayay in lagu go’aamiyo sharad sharci darro ah markii uu macalin u ahaa Siena 2010-11, waxaana uu aqbalay ganaax heshiis ah ahaa oo uu soo jeediyay qareenka dacwada oogaya Stefano Palazzi oo ku aadan ganaax seddex bilood ah iyo 200 kun euro oo uu tabarucaad ahaan u dhiibo.
Si kastaba, go’aan lama filaan ah ayay garsoorayaasha xiriirka kubada cagta ku diideen heshiiskaas ganaaxa ah, waxaana haatan la sugayaa in hadii dib looga xaajoon doono heshiis kale oo ganaax ama in maxkamada buuxda la aadi doono oo kiiska qaada.
“Juventus ayaaa maanta [xalay] soo rogtay cunqabateyn saxaafadeed” ayaa lagu yiri warbixin la soo dhigay website-ka Juventus.
“Xaalada waxaan qiimeyn doonaa berry [maant], oo la xiriirta go’aamadii maanta, faahfaahin badan oo arintaan ku saabsan waxaan dhiibi doonaa berry [maanta]” ayay tiri Juventus.
Eedeymaha loo heysto Antonio Conte ayaa ah waxa uu iska fogeeyay islamarkaana uu sheegay inuusan ka warqabin in sharad sharci darro ah la dhiganayay kulankii kooxdiisii waagaas Siena iyo Novara, lakiin sidaas oo ay tahay waxa uu aqbalay in ganaax seddex bilood ah uu qaato, taasoo la filayay in garsoorayaasha xitaa ay aqbalayaan.
Lakiin arimo aan la ogeyn darted, ayay gorsoorayaasha uga baxeen go’aankoodii hore, waxaana ay shalay diideen ganaaxaas la isku afgartay.
Hadii kiiska Conte maxkamad toos ah la saaro, waxaa laga yaabaa inuu muteysto ganaax ka badan kan haatan ay isku afgarteen isaga iyo qareenka dacwada soo oogaya.