
Ciyaaryahanka reer Holland ayaa ku dhow inay iska iibiso kooxda reer London xagaagan ka dib markii uu diiday inuu qandaraaska u kordhiyo, iyadoo qandaraaskiisa haatan ay ka dhiman tahay kaliya 12 bilood.
Iyadoo in muddo la ogaa in Juventus, Manchester United iyo Manchester City ay ciyaaryahanka xiisanayeen, sidoo kalena lama hubin inay wax dalab ah u direen kooxda Arsenal.
Sida laga soo xigtay maanta BBC, seddex kooxood ayaa dalab lacag isku mid ah u gudbiyay Arsenal, lakiin Arsenal ayaa raadineysa inay ku hesho kabtankeeda ugu yaraan 25 milyan ginni.
Juventus ayaa hore u sheegtay isbuucaan inaysan 30 milyan euro ku bixin doonin saxiixa weeraryahanka Fiorentina Stevan Jovetic, lacagtaasoo ah mid ay dalabanayeen Viola.
28 jirka reer Holland ayaa hadii uu u dhaqaaqo Turin waxa uu qaadan doonaa mushahar lagu sheegay 7.5 milyan euro sannadkii taasoo ka dhigi doonta ciyaaryahanka ugu mushaharka badan kooxda.
Van Persie ayaan ka qeyb qaadan doonin socdaalka ay Arsenal ku mareyso qaarada Asia.