
Kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday inay ciyaari doonaan seddex kulan oo saaxiibtinimo taasoo qeyb ka ahaa isku diyaarintooda xilli ciyaareedka soo socda ee 2012-13.
Marwada Duqda ah ayaa wajihi doonta DC United 28ka July iyagoo kuwada ciyaari doona Washington, waana kulanka ugu horeeya ee koobka saaxiibtinimo ee Wold Football Challenge.
31ka Juy waxa ay kooxda Bianconeri la ciyaari doontaa kooxda Carlo Ancelotti ee PSG ciyaartaasoo ka dhici doonta Montreal. Waxaana ay socdaalkooda Waqooyiga Ameerika ku soo gabagabeyn doonaan kulan ay la ciyaari doonaan Real Madrid kaasoo 5ta August ka dhici doona Las Vegas.