
28 jirkaan ayaa xilli ciyaareed fiican la qaatay Arsenal xilli ciyaareedkii hore, isagoo gooldhalinta Premier League ku qaaday 30 gool, waxaana uu dhawaan ku dhawaaqay inuusan heshiis cusub u saxiixi doonin Arsenal, inkastoo qandaraaskiisa ay ka harsan tahay wax ka yar 12 bilood.
Manchester City, Manchester United iyo Bainconeri ayaa lala xiriirinayay ciyaaryahanka reer Holland, lakiin Marotta ayaa aamisan in ciyaaryahanka uusan aheyn ciyaaryahankooda madaama Arsenal aysan ogoleyn inay iibiso.
“Ciyaaryahan sarre kaliya laguma qiimeeyso lacagta uu gooyo” ayuu u sheegay Sky Sport Italia.
“Van Persie waa ciyaaryahan weyn, lakiin Arsenal ayaan dooneynin inay iska iibiso. Mana is raacraacin kartid ciyaaryahan hadii milkiilayaashiisa aysan dooneynin inay iibiyaan”.
Juventus ayaa weli suuqa ugu jirta weeraryahan weyn oo ay kula soo shirtagaan Champions League xilli ciyaareedka soo socda.