
42 jirkaan ayaa si aad ah loo filayay inuu heshiis cusub saxiixayo, ka dib markii uu Bianconeri ku hogaamiyay Scudetto sannadkiisii ugu horeeyay ee uu macalin u noqday kooxda.
Conte ayaa haatan ku daray labo sanno kale heshiiskiisii hore oo dhacayay 2013.
Intii uu tababare u ahaa, Juventus waxa ay horyaalka ku qaaday iyadoo aan dhinaceeda dhulka loo dhigin, islamarkaana afar dhibcood ka sareysa kooxdii kaalinta labaad ku dhameysatay ee AC Milan.
Waxa uu ku dhawaa inuu ku darro Coppa Italia, lakiin Juventus ayaa guuldarro 2-0 ah waxa ay ka soo gaartay Napoli kulankii finalka.