
Rossoneri ayaa waxaa ka maqnaa Stephan El Shaarawy oo laga soo sheegay dhagxaan ku kelyihiisa, halka Massimo Ambrosini iyo Philippe Mexes ay ku maqnaayeen dhaawac, lakiin waxaa ugu muhimsana aoo maqnaa Antonio Cassano. FantAntonio xita ma uusan joogin garoonka taasoo sii shideysa wararka sheegaya inuu u dhaqaaqayo Inter Milan.
Cristian Zapata ayaa ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay, lakiin taageerayaasha ma aheyn kuwa faraxsan waxaana ay soo bandhigeen boorar ay ku qornaayeen: ‘Ma dooneyno Borrierllo’ iyo ‘Madaxweyne waxaan u baahanahay qof champion ah.’
Bianconeri ayaa iyada lafteeda waxaa ka maqnaa Andrea Pirlo, Gigi Buffon, Giorgio Chiellini iyo Martin Caceres, iyadoo ay ciyaartaan soo xaadireen 30 kun taageerayaal ah. Luca Marrone ayaa mar kale lagu tijaabiyay daafaca dhexe.
Waa markii 22aad ee la ciyaaro koobkaan Trofeo Berlusconi, lakiin tan iyo intii ay labadaan kooxood ciyaarayeen waxa ay soo badiyeen min 8 jeer. Waxa ay soo kale u aheyd markii ugu horeysay oo lagu ciyaaro garoonka San Siro tan iyo intii la saaray cawska macmalka ah.
Ciyaaryahan Robinho ayaa hogaanka u dhiibay Milan daqiiqadii 9aad ee ciyaarta, lakiin Marchisio ayaa ka jawaabay 4 daqiiqo ka dib isagoo u barbareeyay kooxda Bianconeri.
Juventus iyada ayaana hogaanka qabatay dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta markii Arturo Vidal uu gool u saxiixay, waxaana qeybtii labaad ay sii dheereysteen hogaankooda iyadoo goolka seddexaad u dhaliyay Alessandro Matri daqiiqadii 64 aad.
Robinho ayaa gool kale oo rigoore ahaa u saxiixay Milan, lakiin waxba ma aysan ka badelin natiijada oo ciyaarta waxa ay ku dhamaatay 3-2 oo ay Bianconeri ku qaaday koobka lagu maamuso madaxweynaha Milan.