
Ciyaarta ayaa ku bilaabatay jawi kacsan iyadoo taageerayaasha labada kooxood ay si aad ah uga qeyb qaadanayeen inay ciyaarta ka dhigaan mid aad u xamaasadeysan.
Daqiiqadii ugu horeysaba Juventus ayaa heshay fursad fiican, iyadoo Giovinco uu dhanka bidix kubad kala soo galay diilinta ganaaxa, waxaana darbadii uu tuuray luga ku celiyay goolhaye De Sanctis.
Juve ayaa fursad kale heshay 10 daqiiqo ka dib markii Pirlo uu u dhexbiyay kubad Giovinco, waxaana kubada soo tufay goolhayaha Napoli, laakiin waxa uu nasiib ku lahaa waxaa kubada bixiyay difaacyada.
Napoli ayaa iyadana u soo dhawaatay inay gooldhaliso daqiiqadii 25aad markii markii laad xor ah oo ay Napoli ku heshay geeska bidix ee banaanka diilinta ganaaca uu birta ku dhuftay.
Juventus ayaana iska laheyd fursadii ugu danbeysay ee qeybtii hore markii Marchisio uu darbo xoogan ku nasiibsaday goolka uu waardiyaha ka yahay De Sanctis kaasoo faraha cididooda ku saaray kubada.
Waxaana qeybtii hore oo kubad qatar ah ay soo bandhigeen labada kooxood lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.
Qeybtii labaad ayay labada kooxood halkooda ka sii wadeen kubadihii weerarka u dhisnaa, iyadoo daqiiqadii 53aad ee uu Pandev fursad fiican oo gool lagu dhalin karay helay, balse waxaa ka diiday Marchisio.
Juve ayaa iyadana markeeda heshay fursad dahabi ah, markii Giovinco uu kubad la dhexgalay diilinta ganaaxa Napoli, isagoo kubada si fiican u qaatay una koontaroolay, laakiin halkii uu shabaqa cusjin lahaa waxa uu mariyay goolka banaankiisa.
Juve ayaa mar kale heshay fursad kale oo qaali ah, iyadoo Pirlo uu kubad qatar ah u soo qaaday Matri kaasoo u baahnaa inuu koontaroolo, balse waa uu gaari wayay, waqtina uma helin inuu kubada sii raaco oo waxaa ku soo baxay goolhaye Santics oo gacanta kaga taabtay kana qabsaday.
Juventus ayaana heshay goolkii ay raadinayeen dadaal dheer ka dib, ciyaarta oo daqiiqo dhiman ayaana waxaa hogaanka kubad madax aheyd ugu dhiibay Cacares oo garoonka ku jiray kaliya labo daqiiqo markii uu bedel ku soo galay.
Iyadoo sawaxanka garoonka uu hal mar isla kacay ayaa Juve ay hadana daqiiqad ka dib shabaqa soo taabatay, iyadoo Paul Pogba oo isna bedel ku soo galay uu kubad xawaare sarre ku socota geeska ka geliyay shabaqa kooxda Napoli.
Goolashaas soo daahay ee ay dhaliyeen labada ciyaaryahan ee bedelka ku soo galay ayaana Juve ka saaciday inay keli ku noqoto hogaanka horyaalka Serie A iyagoo haatan leh 22 dhibcood.
Juventus ayaa sidoo kale sii dheereysatay rikoorkeeda aan dhinaca dhulka loo dhigin horyaalka Serie A iyagoo maraya kulankoodii 48aad.