
19 jirkaan ayaa yimid xarunta caafimaaka Clinica Fornaca ee Turin saaka xlliga Italy si uu u bilaabo baaritaankiisa caafimaad ka hor inta uusan si rasmi ah ugu biirin Bianconeri.
Pogba waa ciyaaryahan da’ yar oo u dhashay France kana ciyaara qadka dhexe, kaasoo doortay inuu ku biiro Juventus ka dib markii uu iska diiday heshiis cusub oo ay u soo bandhigtay kooxdiisii hore Manchester United.