
Sida laga soo xigtay Onda Cero, Casillas ayaa Del Bosque ka hormariyay tababarihiisa Real Madrid Jose Mourinho oo uu codeyntiisa geliyay kaalinta labaad, halka tababaraha Chelsea u qaaday Champions League Roberto Di Matteo uu ugu codeeyay booska seddexaad.
Casillas ayaa hore u shaaciyay cida uu u codeeyay abaalmarinta ciyaaryahanka sannadka ee Ballon d’Or, isagoo codkiisa siiyay Sergio Ramos, halka kaalimada labaad iyo seddexaad uu ugu codeeyay Cristiano Ronaldo iyo Xavi Hernandez.
31 jirkaan Casillas ayaa abaalmarinta ay bixiyaan boqortooyda wadankooda Spain ee Prince of Asturias ay jimcaha isla qaadan doonaan Xavi oo xiriir fiican uu ka dhaxeeyo muddo 13 sannadood ah inkastoo ay u kala ciyaaraan kooxaha isku neceb dalka Spain gudahiisa ee Madrid iyo Barca.
Abaalmarinta Ballon d’Or iyo tababaraha sannadka, waxaa u codeeya kabtanada iyo tababarayaasha xulalka qaranka, iyo suxufiyiin ay soo xushay majalada France Football.