
Warkaan ayaa imaanaya sidoo kale iyadoo la sheegaya in David Silva isna loo soo bandhigay qandaraas cusub oo ka dhigaya mid ka mid ah ciyaaryahanada ugu mushaharka badan kooxda, waxaana Kompany uu sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska cusub uu u saxiixay kooxda ka dhisan Etihad Stadium.
“Aniga ahaan waxaan qabaa hadii aad meel ku fiican tahay ma jirto sabab aad meel kale u raadiso” ayuu u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxda Man City.
“Man City kaliya ma ahan qorshe ay leeyihiin milkiilayaasha iyo dadka ka shaqeeya, sidoo kale waa qorshaheyga”.
“Waxaan halkaan joogaa tan iyo bilowgii, waxaana soo arkay wax walba oo kooxda ku saabsan gudaheeda iyo banaankeedaba. Waxaan dareemayaa xitaa inaan aniga xitaa gacan ka geystay”.
“Waa wax fiican inaan City sii joogi karo muddo lix sanno kale ah. Waa sharaf in kooxda ay sidaan ii weyneyaan”.
Kompany ayaa City kaga soo biiray Hamburg 2008dii, waxaana uu noqday kabtanka kooxda.