
Messi ayaa goolashiisa isreebreebka koobka adduunka ka dhigtay lix gool isagoo dhaliyay laad xor ah oo eegmada ku fiican, iyadoo Argentina ay marba marka ka danbeysa ka sii hagaageyso sidii hore.
Tababaraha Argentina Alejandro Sabella ayaa arkay kooxdiisa oo shantii kulan ee ugu danbeysay ka heshay 13 dhibcood, waxaana ay helayaan isku dheelitiranaan dhanka daafaca ah iyo tayo badan oo ay ku heystaan dhanka weerarka oo ay ka ciyaarayaan Messi, Sergio Aguero, Gonzalo Higuain iyo Angel Di Maria.
“Waxaan heysanaa ciyaartoy fiican kuwaasoo ciyaar qatar ah soo bandhigay, waxaana ay u ciyaareen koox ahaan” ayuu Sabella u sheegay suxufiyiinta, isagoo ku dhibtoon erey uu ku qeexo Messi.
“Akadeemiga Boqortooyada Spain oo ah tan maamusha luqada Isbaanish-ka waa inay soo raadiyaan erey tilmaame cusub ah oo lagu qeexi karo Messi” ayuu yiri.
Goolka seddexaad ee kala dhantaalay Uruguay waxaa saxiixay ciyaaryahan Sergio Aguero.
Dhanka kale xulka Colombia ayaa iyagana 2-0 kaga talaabsaday xulka Paraguay, waxaana labada gool u dhaliyay Colombia xiddiga weerarka uga ciyaara Atletico Madrid Radamel Falcao.
Bolivia iyo Peru waxa ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah, halka Ecuador ay 3-1 ku dirtay xulka Chile.
Dhanka kale sareynta isreebreebka koobka adduunka ee Latin America waxaa 17 dhibcood ku hogaamineysa Argentina, halka Colombia iyo Ecuador ay ku soo xigaan iyagoo leh 16 dhibcood, Uruguay ayaa ku jirta booska afaraad ee sida toos ah loogu soo bixi karo koobka adduunka iyagoo leh 12 dhibcood.