
kale markii ugu horeysay tan iyo markii uu dhaawac soo gaaray bishii December ee
sannadkii hore, waxaana uu haatan rajo ka qabaa inuu taam noqdo bilowga xilli
ciyaareedka cusub.
Vidic ayaa dhaawac uu ka soo gaaray jilibka kulankii Champions League ee Basel ee
bishii December, dhaawacaasoo keenay inuu garoomada ka maqnaado intii ka dhineyd
xilli ciyaareedkii hore.
Inuu waayo kabtankiisa ayaa dhabar jab xoogan ay ku aheyd Sir Alex Ferguson, kaasoo
horyaalka u waayay kooxda Manchester City oo ku guuleysatay markii ugu horeyay
44 sanno ka dib.
Soo laabashada daafaca dhexe ee Serbia ayaa waxa ay niyad wanaag u noqon doontaa
United, iyagoo isku dayaya inay dib ugu tartamaan horyaalka Premier
League.