
diyaarinta xulka Italy ee koobka Euro 2012 ayaa waxaa hareeyay wararka ku
saabsan xubno caan ka ah kubada Talyaaniga oo baaritaan uu ku socdo halka qaar
kalena la xiray iyadoo looga shaki qabo inay lug ku leeyihiin fadeexada ku aadan
qamaarka sharci darada ah ee ay ku sameeyeen kulamada qaar.
Boliiska
Talyaaniga ayaa xiray kabtanka kooxda Lazio Stafano Mauri, kaasoo sidoo kale 11
kulan u saftay xulka Talyaaniga, isagoo lagu eedeeyay inuu ka qeyb qaatay
ciyaaraha natiijoyiinkooda la sii qorsheeyay si qamaar loogu guuleysto, halka
ciyaaryahanka khadka dhexe ee Genoa Omar Milanetto uu isna qeyb ka ahaa 19 kale
oo la xiray sida boliiska ay sheegeen.
Dadka
la xiray maanta ayaa ah dad looga shaki qabo inay ka qeyb qaateen koox si sharci
darro ah qamaar ku dhigata ciyaaraha oo uu hogaaminayay nin u dhashay Singapore
Tan Seet Eng kaasoo la xiray dhamaadkii 2011.
Daafaca
Zenit St. Petersburg Domenico Criscito ayaa isna baaritaan uu ku socdaa, waxaana
ay boliiska ay ku booqdeen xarunta tababarka ee xulka Talyaaniga saaka ee
Coverciano.
Waxaa
intaas sii dheer in sidoo kale tababaraha Juventus Antonio Conte isna farta lagu
fiiqay, waxaana boliiska ay baaritaan ku sameeyeen gurigiisa si ay u ogaadaan
inay ku lug lahaa ciyaarahaas natiijooyinkooda la qorsheeyay si qamaar loogu
guuleysto.
Howlgalkii
maanta ayaa qeyb ka ahaa baaritaan balaaran oo ku aadan ciyaaro natiijooyinkooda
la qorsheeyay oo ka dhacay Talyaaniga.
Xiddigihii
hore ee Italy Cristiano Doni iyo Giuseppe Signori ayaa laga mamnuucay inay ka
qeyb qaataan kubada cagta, madaama lagu helay fadeexad la mid ah tan haatan
baaritaanka lagu hayo.