“Waxaan doonayaa inaan idiin sheego ka dib 18 sanno oo aan kubada cagta ciyaarayay inaan go’aansaday inaan ka farsiito” ayuu yiri 34 jirkaan.
“Waa inaan u mahadceliyaa Genoa, Milan iyo dhamaan taageerayaasha iyo ciyaartoydii aan soo wada ciyaarnay. Waxaan bilaabi doonaa nolol cusub oo dhanka siyaasada ah. Waxaan u dagaalami doonaa xoriyada iyo dimuquraadiyada Georgia”
“Waxaan ku riyoonayaa Georgia oo ay caruurteyda si xoriyad ah ugu nolaan karaan”
Siyaasada ayaa ah wax si aad ah ugu dhow wadnaha Kaladze, isagoo dhadhamiyay noloasha qaraarka leh ee Georgia.
2001dii walaalkiis Levan oo ahaa arday caafimaadka baranayay ayaa la afduubtay iyadoo lagu doonayay lacag madax furasho ah, lakiin waxaa meydkiisa la helay 2006dii.