
Ciyaaryahanka reer Ivory Coast ayaa kooxda ku soo biiray 2006dii, waxaana uu la qeybsaday guulo badan oo ay ku jirto Premier League, FA Cup iyo Champions League, waxaana uu u dhaliyay Blues 60 gool lixdii xilli ciyaareed ee uu la joogay.
Bosingwa ayaase Kalou kula biiray Chelsea 2008dii, waxaana uu qeyb libaax leh ka qaatay guulasha Stamford Bridge xilligiisii uu halkaas ku sugnaa.
126 kulan ayuu ciyaaryahanka reer Portugal u saftay kooxda Blues iyadoo daafaca midig ay dhaawacyo hareeyeen afartii xilli ciyaareed ee uu kooxda la joogay.
Labada ciyaaryahan ayaa si rasmi ah waxaa u dhacay qandaraaskooda Chelsea waxaana ay haatan xor yihiin inay si bilaash ah ugu biiraan hadba kooxdii heshiis shaqsi ah la gaarta.