
Laacibka reer France ayaa shaaca ka qaaday in tababaraha United Fergie inuu afartii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay uu isku dayay inuu la soo wareego.
Lakiin Benzema ayaa sheegay inuu hubo inuu sii joogi doono Real Madrud muddo dheer.
Isagoo u waramayay wargeyska The Sun waxa uu yiri: “xanta ku aadan mustaqbalkeyga waa mid iska joogta ah, xagaa kasta waa isku mid waxaa la ila xiriirayaa inaan ku biirayo kooxdaan ama kooxdaas”
“Lakiin waxaan ku faraxsanahay Real Madrid, inaan ka tagana niyadeyda marnba ma aysan soo gelin. Waan ka warqabaa in Manchester United ay isku dayday inay ila soo wareegto seddexdii ama afartii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay. Markii aan joogay Lyon iyaga iyo kooxo kale oo Ingariis ah ayaa I doonayay lakiin waxa ay heshiis la gaari waayeen Lyon”.
“Anigana waxaan doonayay inaan u dhaqaaqo Spain, waxaan si daacadnimo ku jirto u dhihi karaan inaanan marnaba ka shalaayin go’aankaas”.
“Weli waan da’ yarahay, qandaraaskeyga Madrid-na waa ilaa iyo 2015. Waxaan doonayaa inaan guulo la gaaro kooxda. Waxaan dhadhamiyay guusha markii aan horyaalka ku guuleysanay lakiin wax intaas ka badan ayaan doonayaa”.