
Xabi Alonso ayaa labada gool u dhaliyay La Roja, iaygoo u talaabsaday wareega afar dhamaadka oo ay la ciyaarayaan Portugal, lakiin weeraryahanka reer France inkastoo uu ka warqabay awooda xulka ka soo horjeeday hadana waxa uu aaminsanaa inay guul gaari kareen.
“Maxaa na qariyay habeenimadan, waa goolal” ayuu Benzema u sheegay TF1.
“Waxa ay guuldarro naga soo gaartay xulka adduunka ugu fiican. Waxa ay aheyd wax adag, lakiin waxaan u ciyaarnay si wanaagsan, waxaana na soo martay ciyaar wanaagsan”.
“Waxaa gool la inoogala dhaliyay kaliya fursadoodii ugu fiicneyd. Aad ayaan uga xunahay, lakiin waan ku faraxsanahay inaan soo gaarnay wareega 8da. Aad ayaan u niyad jabsanahay sababtoo ah waan ka badin karnay”.