luulyo oo ah maalintii ay midoobeen gobolada waqooyiga iyo koonfureed ee dalka
soomaaliya, isla mar ahaan taana ay si wada jir ah u wada dhisteen Jamhuuriyada
Soomaaliya.
Koobkani oo ay kasoo qayb galeen Madax ka tirsan Maamulka khaatumo oo uu hor kacayo
madaxweyne Maxamed Yuusuf Jaamac Halac (Indha Sheel) qaar kamid ah golaha
wasiirada maamulka khaatumo, Agaasimayaal, Iyo Waliba taageer aad u tira badan
oo kala taabac san Labadan kooxood ee galabta ciyaarta kama dambaystaa ay ku
dhexmartay garoonka kubada cagta ee magaalada buuhoodle.
Labada kooxood ee iskugu soo hadhay ciyaartan kala dambaystaa oo lagu kala magacaabo
Hilaal Iyo Togsool, iyadoona ciyaarta dhex martay labadan kooxood ay ahayd mid
shidan oo ugu dambayntii kusoo gaba gabootay Riigoolayaal, isla mar ahaan taan
ay guushu halkaasi ku raacday kooxda Togsool oo iyadu halkaasi ku hanatay
koobkaasi.
koobkan oo ay ka qayb qaateen ilaa Lix kooxood oo ka jira gudaha magaalada buuhoodle ee
xarunta g.cayn ayaa waxaa soo qaban qaabiyey jaaliyada khaatumo state, isagoona
koobkani ahaa mid lagu dhiiri galinayey dhalinta sport-ga ah isla mar ahaan
taana si weyn loogu xusayo maalinta mudnaan ta leh ee 1 luulyo.
Hadaba waxaa ugu horaynba halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaarada arimaha
bulshada Xasan Cali Aw Yuusuf isagoona ku amaanaya bulshada reer buuhoodle
dhiiri galinta iyo dadaalada ay la garab socdaan dhalinyarada sport-ga iyo xuska
maalinta 1 luulyo oo ah maalin qiimi mudan kuna dheer qalbiyada umada
soomaaliyeed.
Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Agaasimaha Wasaarada
Arimaha Gudaha Maxamuud Sheekh Cumar Xasan oo ku qoto dheeray muhiimada ay
leedahay xuska maalinta 1luulyo isagoona kula dar daarmay jaaliyada khaatumo
meelkasta oo ay ku sugan tahay inay ka qayb qaataan xuska maalinta 1 luulyo oo
ah maalin si weyn loo xusuusto.
Waxaa sidoo kale isna halkaasi ka hadlay C/rixiin Saleebaan Faarax oo kamid ah
dhalinyarada sport-ga ahna kamid ah qaban qaabiyaashii koobkani isagoona guul
wacan u rajeeyey kooxihii garoonka kubada cagta ee magaalada buuhoodle ay maanta
ciyaartu ku dhex martay iyo waliba kuwii ku hadhay wareegyadii hore.
Ugu dambayntii ayaa waxaa koobkani soo gaba gabeeyey Madaxweynaha maamulka Khaatumo
state Maxamed Yuusuf Jaamac Halac (Indha sheel) oo gudoonsiiyey
dhalinyaradii ka qayb gashay koobkani abaal mariyo kala duwan isla mar ahaan
taana si weyn u soo dhaweeyey xuska maalinta 1 luulyo.
Koobkani ayaa kusoo
beegmaya xili si weyn guud ahaan dalka gudihiisa iyo debadiisaba ay ka jiraan is
baabul damaashaadyo lagu soo dhaweynayo xuska maalinta 1 luulyo oo ah maalin si
weyn ugu qoto dheer quluubta umada soomaaliyeed.
Abdirahman
wadani
Email axmedyare1001@hotmail.com
Buuhoodle
Khaatumo State