
Labada ciyaaryahan ayaa lagu soo waramayay inay doonayeen numberkaas inay dushooda ku xirtaan xilli ciyaareedka 2012-13, lakiin kabtanka kooxda Marco Rossi iyo tababare Francesco Bega ayaa u qabtay baayactan hal mar ah oo ninkii soo dhiga lacag badan uu ku guuleysanayo maaliyada.
Merkel ayaana baayactaankaas ku guuleystay isagoo xagaagan ka soo laabtay Milan, waxaana uu xiran doonaa maaliyada No 10, iyadoo Jorquera uu sii wadan doono maaliyada No 19. Lacagta lagu baayactamay waxaa loo bixin doonaa taburacaad.
Dhinaca kale Alberto Gilardino ayaa qaatay maaliyada No 9 ee kooxda, halka Davide Biodini uu isna xirtay maaliyada No 8, Cesare Bovo ayaa weydiistay maaliyada No 3, halka Ciro Immobile uu xirtay maalida No 17, ciyaaryahan Ze Eduardo ayaa xirtay maaliyada No 57 oo ah xilligii ay dhasheen walidkiis.