
Waxaana kulamadii habeenka talaadada guuldarro loo huwiyay koxoda difaacaneysa Champions League ee Chelsea oo guuldarro 2-1 ay ka soo gaartay kooxda Shakhtar Donestk.
Waxaana kulamadii habeenka arbacada iyadana ay u sii aheyd habeenka kale oo u xun kooxaha Ingariiska ka dib markii kooxaha Arsenal iyo Manchester City iyagana guuldarro ay ka soo qaateen kulamadii ay la ciyaareen Schalke iyo Ajax.
Arsenal ayaa guuldarro 2-0 ay ka soo gaartay kooxda Schalke oo marti ku aheyd garoonka Emirates Stadium, halka Ajax ay u awood sheegatay kooxda heysata horyaalka Ingariiska ee Manchester City, iyagoo ku garaacay 3-1.
Inkastoo Chelsea, Arsenal laga badiyay hadana booskooda wareega group-yada halis kuma jiro marka loo fiiriyo Manchester City oo u hooseysa Group D iyadoo leh kaliya hal dhibic seddex kulan oo ay ciyaareen.
Waxaana ay u baahnaan doonaan inay wada badiyaan seddexda kulan ee u hartay, islamarkaana ku duceystaan in Real Madrid iyo Dortmund la hakiyo, iyadoo Dortmund ay hogaanka ku heyso 7 dhibcood halka Real Madrid ay leedahay 6 dhibcood.
Kooxaha Talyaaniga ayaa iyagana ay sidoo kale u aheyn isbuuc wanaagsan oo Champions League ah, ka dib markii Milan ay guuldarro 1-0 ka soo gaartay kooxda Malaga, halka Juventus ay barbaro la gashay kooxda reer Denmark FC Nordsjaelland.
Dhanka kooxaha Spain ayaa iyaga intooda badan guulo gaaray isbuucaan Champions League, iyadoo Barcelona ay gool soo daahay oo uu dhaliyay Jordi Alba kaga badisay 2-1 kooxda Celtic oo marti ugu aheyd Camp Nou.
Halka Valencia ay iyadana 3-0 ugu awood sheegatay kooxda BATE Borisov, iyadoo seddexda goolba u dhaliyay xiddigooda Soldado.
Malaga ayaana iyadana guul taariikhi ah ka gaartay Milan, iyagoo hogaanka u haya Group C waxaana ay leeyihiin 9 dhibcood.
Kooxda Real Madrid ayaa ah kooxda kaliya ee isbuucaan Champions League guuldarro dhadhamisay kooxaha Spain, waana guuldaradoodii ugu horeysay ee wareegan group-yada ee D.
Kooxaha ka socda horyaalka Bundesliga ayaa ah kooxaha kaliya marka lagu darro kuwa Russia ka socda ee guul wada gaaray isbuucaan kulamadooda Champions League.
Schalke oo 2-0 kaga badisay Arsenal, kooxda difaacaneysa horyaalka Bundesliga Borussia Dortmund oo 2-1 kaga badisay Real Madrid, iyo Bayern Munich oo 1- 0 kaga talaabsatay kooxda Lille.
Kulamada soo socda isbuuca danbe ee Champions League waa sida tan:
6da November
Group A
Dynamo Kyiv v Porto.
PSG v Dinamo Zagreb
Group B
Schalke v Arsenal
Olympiacos v Montpellier
Group C
Anderlecht v Zenit
Milan v Malaga
Group D
Man. City v Ajax
Real Madrid v Dortmund
7 November 2012
Group E
Juventus v Nordsjælland
Chelsea v Shakhtar Donestk
Group F
Valencia v BATE
Bayern Munich v Lille
Benfica v Spartak Moskva
Group G
Celtic v Barcelona
Group H
CFR Cluj v Galatasaray
Braga v Man. United.