
Sida ay maanta werisey jariirada Gazzetta dello Sport Inter iyo Napoli ayaa ku jira wadahadalo ay ku doonayaan inay labadan ciyaaryahan isku dhaafsadaan.
Pazzini ayaa diyaar u ah in uu ka tago Inter kadib markii loo sheegay in aysan hal mar garoonka wada geli isaga iyo Diego Milito, isla markaana uu yahay Milito kan koowaad ee kooxda.
Juventus iyo Milan ayaa lala xiriirinayay markii hore weeraryahankan ku jira xulka Italy.Tababaraha kooxda Napoli Walter Mazzarri ayaa si wanaagsan u yaqaan laacibkan iyagoo markii hore ka wada tirsanaa naadiga Sampdoria.
Iyadoo laga dhigayo heshiiska mid lagu xoojinayo ayaa ciyaaryahanka reer Uruguay Gargano uu u wareegayaa dhinaca kale iyadoo laga shakisan yahay in uu ka noqon karo kooxda ugu horeysa ee mar walba garoonka gasho ee kooxda San Paolo xilligan.
Inter ayaa la ogyahay in ay raadineyso ciyaaryahan si fiican wax u raaca oo ka ciyaar qadka dhexe.