
Ciyaar adag oo ay caawa kala hortagtay Kooxda Gurigeeda lagu ciyaarayay Finalka Champions League ee Bayer Munich ayeey kaga badisay ……
Ciyaariyahanka Muller ayaa Daqiiqadii 83 Kooxdiisa Bayer Munich u dhiibay hogaanka laakiin 5 daqiiqo kadib Waxaa Gool Bar baro ah dhaliyay Drogba waxaana waqtigii loogu tala galay Ciyaarta ay ku soo dhamaatay Bayer Munich 1 1 Chlesea.
Waqtiga Dheeri ah ayaa lagu daray waxaana fursad Rigoore ah ka qasaariyay Kooxdiisa Bayer Munich Robben.
Kooxda Chelsea ayaa Rigoorayaal kaga badisay Kooxda Bayer Munich Finalka Koobka Champions League ee Caawa lagu ciyaarayay Garoonkeeda.
Kooxda Chelsea ayaa noqoneeysa Kooxdii ugu horeeysay ee ka dhisan Magaalada Caasimadda ah ee London waana koobkii ugu horeeyay oo ku guuleeysato Kooxda Chelsea.