
Seddexda ciyaaryahan ee Chelsea Fernando Torres, Eden Hazard iyo Branislav Ivanovic ayaa hogaaminaya kooxda isbuuca ee horyaalka Ingariiska ka dib markii ay ku hogaamiyeen guushii seddexaad ee horyaalka kulankii Newcastle habeenkii sabtida.
Labada ciyaaryaahn ee Hazard iyo Ivanovic ayaa todobaadkii labaad ku jira kooxda isbuuca, halka Fernando Torres uu isna boos ka helay isbuucaan ka dib markii kalsoonidiisii ay ku soo laabtay kulankii Newcastle isagoo keenay rigoore oo uu dhaliyay Hazard, halka ciyaaryahanka reer Belgium uu isna kubad cirib ah oo uu u reebay Torres oo isna shabaqa ku hubsaday.
Daafaca midig Ivanovic ayaa isna soo bandhigay daafac adag isagoo qeyb weyn ka qaatay guushii 2-0 ee ay ka gaareen koxoda Newcastle.
Kubadsameeyaha Manchester United Shinji Kagawa ayaa isna ku jira kooxda isbuuca ka dib markii Red Devils uu ka caawiyay inay 3-2 kaga badiyaan Fulham.
Ciyaaryahanka reer Japan ayaa goolkiisii ugu horeeyay ee Premier League u dhaliyay United, waxaana uu la mid ahaa, Robin van Persie, lakiin isaga ayaa ka shaqo badnaa marka la isku fiiriyo labada xiddig.
Waxaa sidoo kale isbuucaan ku jira ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Joe Allen kaasoo qaab ciyaareed aad loo amaanay soo bandhigay isagoo khadka dhexe ka qabsaday City, waxaana uu ahaa ciyaaryahankii uu baasaska fiicnaa ciyaarta.
Ciyaaryahanka Everton Steven Pienaar ayaa sina khadka dhexe ku jira, iyadoo ciyaaryahan reer South Afrika oo uu ahaa mulaxankii kulankii ay Everton 3-1 kaga badisay Aston Villa, halka Marouane Fellaini uu iska mar kale booskiisa kooxda isbuuca ku xajistay qaab ciyaareed goolal dhalin ku saleysan.
Saaxiibkiisa Phil Jagielka ayaa isna dhanka daafaca ku jira ka dib markii uu qaab ciyaareed qatar ah dhanka daafaca ka soo bandhigay isagoo sidoo kalena caawiye ka noqday gool, halka Jonas Olsson uu daafaca kula wehliyo ka dib doorkii uu ka qaatay barbarihii ay West Brom la gashay Tottenham.
Benoit Assou-Ekotto ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee Tottenham ee isbuucaan ku jira kooxda todobaadka, ciyaaryahanka reer Cameroon ayaa booska daafac bidix kala baxay Leighton Baines madaama uu hogaanka u dhiibay kooxdiisa White Hart Lane, inkastoo barbaro 1-1 ah ay ku dhameysteen.
Goolhayaha Wigan Ali Al-Habsi ayaa dhameystiraya kooxda isbuuca, iyadoo Wigan ay 2-0 kaga badisay Southampton sabtidii. Al Habsi ayaa dhowr jeer fursado qaali ah ka badbaadiyay kooxda Southampton.
Ciyaartoyda Norwich Sebastian Bassong iyo Javier Garrido iyo labada ciyaaryahan ee Fulham Damien Duff iyo Moussa Dembele, iyo xiddiga da’da yar ee Liverpool Raheem Sterling ayay nasiib darro ku tahay inay ka maqnaadaan liiskaan, inkastoo raga boosaskooda ka ciyaara ee ku jira kooxda isbuuca ay ka natiijo iyo qaab ciyaareed wanaagsanaayeen.