
Daafacan 31jirka ah ayaa lagu heli karaa lacag gaareysa £3million kadib markii uu ku noqday saa’id baahida kooxda haysata horyaalka Championka.
Ciyaaryahanka xulka dalka Ivory Coast ayaa awoodi waayay in uu ka mid noqdo daafacyada muhiimka ah ee kooxda City iyadoo ay soo bandhigeen ciyaaryahanada kala ah Vincent Kompany iyo Joleon Lescott oo soo bandhigey ciyaaro wanaagsan.
City ayaa dooneysa in ay iska yareyso culeyska ay ku hayaan ciyaaryahano badan uuna u helo tababare Mancini lacag uu qarashgareeyo ka hor intaysan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada.
Tababaraha kooxda City ayaa aad ugu wareersan sidii uu ku soo iibsan lahaa ciyaaryahano cusub si uu ugu xoojiyo kooxdiisa tartanka ay ugu jiraan horyaalka yurub iyo Premier League.
Tababare Mancini iyo Toure ayaa isku khilaafay habdhaqankii Toure kadib markii ay ku guuleysatay kooxda City koobka Community Sheild.
Daafaca Toure ayaa la sheegay in ku tuuray billadii la siiyey kulankaa dadkii daawanayay iyadoo markii dambana la sheegay in uu siiyey taageere dhalinyaro ah.
Kolo Toure ayaa heshiiska uu kula joogo City waxaa uga dhiman hal sano waxaana hore loo sheegay inay doonayaan kooxo ay kamid yihiin kooxda ka dhisan Turkiga ee Bursaspor iyo kooxda Al Hilal.
Daafacan reer Ivory Coast ayaa sheegay in uu yahay weli laacib ka tirsan City balse uu la hadlay kooxo kale.
‘Waan jeclahay inaan u ciyaaro koox uu u ciyaaro walaalkey, Balse waan arkaynaa wixii dhici doono, waxana ii haray hadda muddo hal sano heshiiska aan kula joogo kooxdeyda.
‘Weli waxaan ka tirsanahay City mana ogaan kartid waxa dhacaya mustaqbalka.tan aniga ii muhiimsan waa sidii aan si wnaagsan ugu dheeli lahaa kooxdayda City.’