
Levante UD has transferred Kone to English club Wigan Athletic, thanks for everything Arouna,” Levante wrote on their official Twitter feed.
“Levante UD ayaa ku wareejisey Kone kooxda Wigan Athletic, wuuna ku mahadsanyahay wax walba Arouna”. Ayaa lagu qoray bogga Twitterka ee akooxda Levante.
Kone ayaa weeraryahan jirkiisu dhisan yahay orod badana leh una dhaliyey Levante 15gool xilli ciyaareedkii la soo dhaafay waxayna taasi ka dhigtey in kooxdu markii ugu horeysey u soo gudubto inay ka ciyaarto horyaalka Yurub.
Hase ahaatee 28jirkan ayaa dhaawacyo marar badan waxa ay ka soo gaareen intii uu la joogay kooxda ka dhisan Sevilla waxana uu hore ugula soo guuleystey kooxda PSV Eindhoven saddex horyaal ee wadanka Holland.
Kooxda Wigan ayaan illaa iyo hadda ku cadeyn in heshiiska uu dhacay iyo in kale.