
weyneyd Scotland ee Rangers in laga tuuro horyaalka heerka afaraad ee loo
yaqaano Division Three ka dib kulan ay ku yeesheen Hampden Park.
Kooxaha SFL ayaa awood loo siiyay inay go’aan ka gaaraan mustaqbalka kooxda ugu koobabka
badneyd horyaalka Scotland ka dib markii dhaqaale darro ay uga wacan tahay deymo
lagu yeeshay ay u burburtay.
25 labaatan kooxood oo ka mid ah 30ka kooxood ee SFL ayaa u codeeyay in kooxda ka
dhisan Glasgow laga tuuro heerka afaraad, halka hal koox kaliya ay ka soo
horjeeday in gabi ahaanba loo ogolaado Rangers inay kubada cagta ciyaarto.
“Waxa ay maanta u aheyd maalin muhim ah kubada cagta Scotland” ayuu yiri madaxa SFL
David Longmuir.
“Kooxaha xubnaha ka ah waxa ay aqbaleen in Rangers ay ka sii mid noqoto SFL. Booska
kaliya ee loo aqbali karay waxa ay aheyd inay ka ciyaarto Division Three laga
bilaabo 2012-13”.
Rangers oo haatan loo yaqaano Rangers Newco ayaa rajo ka qabtay in laga ciyaarsiiyo
horyaalka heerka labaad ee First Division, lakiin taasi waxaa ka soo horjeestay
kooxaha Scotish Football League.
Rangers waxa ay qaaday 54 koob oo horyaalka dalkeeda ah, waana kooxda qaaday koobabka
ugu badan ee laga ciyaaro horyaalada caalamka.