
Die Roten ayaana lumineysa weeraryahankooda Ivica Olic kasoo xagaaga ka tagaya kooxda . Bayern ayaana dooneysa inay dhiig cusub kusoo daraan weerarkooda xagaaga soo socda.
Si kastaba kooxda ka dhisan magaalada Munich ayaa lala xiriirinayey inay la soo wareegi doonaan weeraryahanka Manchester City Edin Dzeko. Shabakada Goal.com ayaana ogatay in ninka u dhashay Bosnia Herzegovina kooxdisa loosoo bandhigay 30 million oo ginni.
Bvarians ayaana hogaanka u haaya doonisita weeraryahanka xulka Croatia Mandzukic oo ku soo shaac baxay intii lagu guda jiray koobka qaramada Yurub isagoona sedax gool dhaliyey xilli ay xulkiisu ku hareen wareega group-yada.
Sid ay soo werinayaan Kicker iyo Bild 26 jirkaani ayaa inta badan la isku raacay inay macquul tahay inuu ku biro kooxda finalka ka soo gaartay Champions League, waxaana la rumeysan yahay in labada kooxood ay isku raaceen heshiis 12 ilaa 15 milyan euro ah.
Mandzukic ayaa ugu soo biiray Wolfsburg kooxda Dinamo Zagreb 2010kii,wuxuuna dhaliyey 12 gool 32 kulan uu ka soo muuqday Bundesliga xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.