
Kooxda Sao Paulo ayaa dooneysa inay keento ciyaaryahankii bedeli lahaa Lucas Moura kaasoo ku biiri doona kooxda PSG bisha Janaayo, waxaana ay haatan heleen Ganso oo ay xagaagii iyo ka horba doonayeen kooxo badan oo ay u horeysay AC Milan.
Sao Paulo ayaa iska leh 45 boqolkiiba xuquuqda dhaqaale ee ciyaaryahanka khadka dhexe, halka 55 boqolkiiba ee soo hartay ay iska leeeyihiin shirkad maalgashi oo la yiraahdo DIS.
“Waan ku faraxsanahay inaan u wareego Sao Paulo. Waa riyo run ii noqotay. Kooxo kale ayaa i xiiseynayay, laakiin dookheyga koowaad waxa uu ahaa Sao Paulo. Waa sugi la’ ahay inaan ku abaalmariyo wixii ay sameeyeen sidii ay igula soo wareegi lahaayeen” ayuu yiri Ganso.
Ganso ayaa doonayay inuu ka tago Santos ka dib markii ay kooxda diiday dalabkiisa mushahar khaali ah, isagoo codsaday in mushaharka loo kordhiyo.