Manchester United ayaa 4-3 kaga badisay Manchester City kulankaas lama ilaawaanka ah, iyadoo Michael Owen uu dhaliyay goolka guusha xilli danbe.
Sir Alex Ferguson, ayaa kulankaasi ka dib isagoo ku faraxsanaa guushii ay gaareen waxa uu ku tilmaamay kulankii ugu fiicnaa abid ee Manchester derby, lakiin haatan oo horyaalka Ingariiska uu u dabaaldegayo sannadguuradii 20aad ee markii loo bixiyay Premier League kulankaas waxaa loogu codeeyay kulankii ugu fiicnaa.
Waxaana kulankaan uu ku guuleystay 18% codadkii la dhiibtay, lakiin kulamadii soo galay kaalinta 2aad iyo 3aad sidaasi ugama fogeyn.
Kulankii Liverpool v Newcastle ee 1996kii ayaa soo galay kaalinta labaad waxaana uu helay 15%, halka kulankii Liverpool iyo Arsenal ee ku dhamaaday 4-4 ee Arshavin uu sida fiican uga dhex muuqday uu isna soo galay kaalinta 3aad isagoo helay 14%.
Horyaalka Ingariiska ayaa u dabaaldegaya xilli ciyaareedkan sannadguuradii 20aad ee markii horyaalka Ingariiska loo bixiyay Premier League, waxaana dhawaana lagu dhawaaqi doonaa tababarihii ugu fiicnaa 20kaas sanno ee Premier League uu jiray iyo ciyaaryahankii ugu fiicnaa halka Rooney goolkii uu City ka dhaliyay uu qaatay goolkii ugu fiicnaa 20kii sanno ee u danbeysay.