
Waqti badan kuma qaadan kooxda Tito Vilanova inay hogaanka ciyaarta qabtaan waxaana goolka hore u dhaliyey Messi oo daqiiqadii afaraad ciyaarta kubbad la dhaafay daafaca Dinamo ee Dragos Grigore kadibna gool qurux badan dhaliyey isagoo ku guda jira diilinta ganaaxa.
Goolkaasna waxa uu ahaa kii shanaad ee uu dhaliyo 25ka Messi kulamadii diyaargarowga ahaa ee Blaugrana ciyaartay. Barcelona ayaa fursado badan iska lumisey hase ahaatee qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxa ay ku dhamaatay 1-0.
Barcelona ayaa qeybtii dambe dhowr bedel samaysay waxana ay noqotay mid goolka Barca uu halis galo daqiiqadii 51aad ee ciyaarta taasoo ka dhigi gaartay ciyaarta barbaro.
Halistaas ayaa ka dhalatay markii ciyaaryahanka qadka dhexe ee Dinamo Marius Tucudean uu madaxa kubbada kula eegtay goolka balse Victor Valdes ayaa banaanka mariyey oo birta dusheeda kubbada marsiiyey.
Kooxda Blaugrana ayaa war wanaagsan u yimid qeybtii dambe ee ciyaarta kadib markii garoonka uu soo galay David Villa oo muddo siddeed bilood ah jab ugaga maqnaa ciyaaraha.
Waxaana goolka labaad ee Barca u dhaliyey Afellay dhamaadkii ciyaarta taasoo gabagabadii ciyaarta ka dhigtey 2-0 inay guusha ku raacdo Barcelona.
Guusha ay gaartay Barcelona ayaa ka dhigtey tii shanaad ee aan laga guuleysan kulamdii tijaabada ahaa ee ay kooxdu ciyaartay. Iyadoo kooxdu il gaar ah ku eegeysa horyaalka La Ligaha oo bilaabanayo toddobaadka soo socda iyadoo ciyaarta ugu horeysana kula dheeli doonto garoonkeed Camp Nou 19ka August kooxda Real Sociedad.