
Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Stamford Bridge tan iyo markii Andre Villas-Boas uu macalin u noqday Chelsea xagaagii hore oo uu ka soo tagy Porto, waxaana wararkaas ku aadan Hulk ay noqdeen kuwa isa soo tarayay ilaa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.
Warar ayaa soo jeedinayay in Chelsea ay ku dalbatay ciyaaryahanka 38 milyan ginni, lakiin Hulk ayaa haatan sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu joogo Porto.
“Wax walba waxaan uga tagayaa gacmaha Porto” ayuu Hulk u sheegay� O Jogo.
“Qandaraas ayaan ku jiraa, waxaana Porto ku faraxsanaa muddo afar sanno ah, waa meeshii aan wax walba ku qabsaday”.
“Waxaan kooxda ku heyn doonaa qalbigeyga wax walba oo dhaca xagaagan ama xagaa kale”.
Chelsea ayaa xilli hore oo suuqa kala iibsiga ah ka muuqatay waxaana ay la soo wareegeen Eden Hazard, Marko Marin iyo Kevin De Bruyne.