
20 jirkaan kubadsameeyaha ah ayaa lala xiriirinayay iuu u dhaqaaqayo Stamford Bridge waxaana uu tijaabada caafimaadka u maray kooxda reer London markii uu xulkiisa Brazil ee ciyaaraha Olimbikada uu la yimid London.
Waxa uu xaqiijiyay inuu maray tijaabada caafimaadka ka dib markii xulkiisa ay 2-0 kaga badiyeen Great Britain, lakiin waxa uu sheegay inuusan weli waxba saxiixin islamarkaana uu mustabqalkiisa go’aan ka gaari doono ka dib ciyaaraha Olimbikada.
“Waxaan kaliya la kulmay dhaqaatiirta, wax kale ma jiraan” ayuu Oscar u sheegay suxufiyiinta.
“Weli wax heshiis ah ma aanan saxiixin, waxaana sugi doonaa ilaa dhamaadka ciyaaraha Olimbikada markaasoo aan go’aansan doono mustaqbalkeyga”.
“Ciyaartoyda Brazil oo dhan ayaa riyadaan ku jia. Aniga sidaan oo kale ayaan ahay waxaana ku riyoodaa inaan ka ciyaaro Europe iyo Premier Leaue”.