
horimaan doono finalka Euro 2012, sidaasi darteed waxaan eegi doonaa sida labada
nin ay koobabka caalamiga ah uga soo muuqdeen Spain iyo Italy.
Kaliya looma texgeliyo inay yihiin goolhayayaasha ugu fiican waqtigan casriga ee kubada
cagta, lakiin sidoo kale dad badan ayaa aaminsan in Buffon iyo Casillas ay ka
mid yihiin goolhayayaashii ugu fiicnaa ee abid soo maray caalamka.
Labada goolhaye waxa ay ku guuleysteen koob adduun, iyadoo Casillas uu sidoo kale ku
guuleystay koobka qaramada yurub, inkastoo Buffon uu final ka gaaray koobkaas
islamarkaana laga qaaday sannadii 2000.
Labada goolhaye waxa ay koobab la qaadeen kooxahooda Madrid iyo Juventus, waana kooxo
ay u ciyaarayeen muddo ka badan 10 sannadood.
Lakiin sidee ayay ku yihiin koobabka caalamiga ah? Waxaan isbarbardhigi doonaa
rikooradooda koobabka Euro 2004, World Cup 2006, Euro 2008 iyo koobkaan haatan
Euro 2012. Waxaan u xulanay koobabkan ayaa ah in labada goolhayeba ay koobabkan
ka ahaayeen goolhayayaasha koowaad ee xulalkooda.
Guud ahaan Casillas waxa uu u saftay Spain 136 kulan, halka Gigi Buffon uu u saftay
Italy 119 kulan, Casillas labo koob oo waa weyn ayuu xulkiisa la qaaday halka
Buffon uu hal koob oo weyn uu la qaaday Azzurri.
Koobabka aan sheegnay ee aan kor ku xusnay ee ay labada goolhaye ka ahaayeen
goolhayayaasha koowaad waxa uu Casillas saftay 16 kulan, halka Buffon uu saftay
19 kulan.
Isla koobabkaas aan kor xusnay Casillas waxaa laga dhaliyay sagaal gool, halka Buffon
laga dhaliyay 11 gool.
Isla koobabkaas aan kor ku soo xusnay, Casillas waxa uu shabaqiisa gool ka ilaaliyay
sagaal kulan, halka Buffon uu shabaqiisa gool ka ilaaliyay 10 kulan.
Isla koobabkaas aan kor ku soo xusnay Casillas waxa uu badbaadiyay 79.5% shuudadkii
lagu soo tuuray, halka Buffon uu badbaadiyay 86.6% shuudadkii lagu soo
tuuray.
Waxa cad ayaa ah in labadaan goolhaye ay yihiin kuwa aad u fiican, islamarkaana isa
soo saari kara ciyaaraha waa weyn ee ay wajahaan.
Sida ay u ciyaaraan finalka ayaana qeyb libaax leh ka qaadan doonta rajada xulkooda,
lakiin waxaan filan karnaa in midkoodna uusan guuldarro gacmahiisa ugu soo jiidi
doonin wadankiisa.