
Shirkada dhiraan dhirisa dhaqaalaha Isboortiga ee Deloitte ayaa sheegtay in wadar ahaan 490 milyan ginni la qarashgareeyay, lacagtaas oo wax yar ka yar lacagtii rikoorka aheyd ee la qarashagareeyay xagaagii 2008 oo gaareysay 500 milyan ginni.
Lacagta xagaagan ay kooxaha Ingariiska ku qarashagareeyeen suuqa kala iibsiga waxa ay waxoogaa ka badan tahay lacagtii ay qarashgareeyeen xagaagii hore oo gaareysay 485 milyan ginni.
Ciyaartoydii ugu waa weynaa ee la kala iibsaday waxaa ku jira Robin van Persie oo 24 milyan ginni uga tagay Arsenal kuna biiray Manchester United, iyo Chelsea oo 32 milyan ginni ku soo iibsatay Eden Hazard.
Deloitte waxa ay sheegtay in 110 milyan ginni kaliya la qarashgareeyay shalayto oo ay ugu danbeysay suuqa kala iibsiga, iyadoo sannadkii hore maalintii ugu danbeysay suuqa la qarashgareeyay 100 milyan ginni.
Waxaana ku jira taas iibkii Manchester City ee ay 16 milyan ginni ka soo bixisay Javi Garcia, Southampton oo lacag rikoor ah ku soo iibsatay Gaston Ramirez iyo Tottenham oo ku dhawaad 12 milyan ginni ka bixisay goolhaye Hugo Lloris.
Shan kooxood oo kale ah Chelsea, Tottenham, Manchester City, Manchester United iyo Arsenal ayaa xagaagan qarashgareeyay in ka badan 30 milyan ginni koox kasta.
Kooxda cusub ee Southampton ayaa iyaga laftooda qarashgareeyay lacag ku dhow 30 milyan ginni.
300 milyan ginni oo ka mid ah lacagta guud ee xagaagan ay qarashgareeyeen kooxaha Premier League waxa ay aaday horyaalada kale ee debeda ka ah England.
Kooxdii ugu badneyd ee qarashgelisay suuqa kala iibsiga xagaagan waa Chelsea oo qarashgareysay lacag ku dhow 80 milyan ginni.
Kooxdii ciyaartoyda ugu badan soo iibsatay waa QPR oo soo xerogelisay xagaagan 12 ciyaaryahan, halka Arsenal ay tahay kooxda ugu yar ee ciyaaryahano soo xerogeliyay waxaana ay keensadeen 3 ciyaaryahan.
Shanta ciyaaryahan ee ugu qaalisanaa xagaagan ee yimid Premier League waa sida tan:
Hazard – 32 Milyan ginni
Oscar – 25 milyan ginni
Van Persie – 24 Milyan
Cazorla – 16 milyan ginni
Javi Garcia- 16 milyan ginni